Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA 6-AAD EE GOLAHA LAGUNA ANSIXIYAY XEER-HOOSADKA GOLAHA SHACABKA
 GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA 6-AAD EE GOLAHA LAGUNA ANSIXIYAY XEER-HOOSADKA GOLAHA SHACABKA
Wararka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA 6-AAD EE GOLAHA LAGUNA ANSIXIYAY XEER-HOOSADKA GOLAHA SHACABKA

by Fitaah Diinle December 31, 2022 22 0 Comment

AA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlaayay dhammeystirka dooda Xeer-hoosaadka iyo ansixinta, akhrinta hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ah iyo xildhibaannada oo ka hadlay arinta Laascaanood.

Xildhibaan Golaha Shacabka oo marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday rabshadaha ka socda magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxay ku tilmaameen in shaqaaqooyinkaasi ay yihiin kuwo keeni kara nabad gelyo xumo iyo barakac xoog leh iyagoo Soomaaliliand ugu baaqay in ay xaliyaan xaalada deegaanka.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 143 xildhibaan ayaa looga dooday Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo maray akhrintiisa sadexaad, guddiga Xeer-hoosaadka oo warbxin guud ka siiyay xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu yahay hagaha iyo ilaaliyaha anshaxa iyo xasaannadda mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Dhanka kale Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo keentay Hindisa Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS.

Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayuu Xildhibaannadda u faahfaahiyay sharcigan oo ka kooban 37-qodob ayuu dul istaagay muhiimadda uu leeyahay hadii la ansixiyo uu dalka awood u yeelan karo in uu horumaro nidaamka maaliyadeed, dadkana uu heli karo maalgashi caalami ah iyo inuu dalka helo canshuur dowladda ay kaga maarmi karto deymaha. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa xildhibaannadda u sheegay in la isku soo noqon doono markale si looga doodo sharcigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka ayaa Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka lagu ansixiyay, iyadoo ay oggolaadeen 136 Mudane, waxaa diiday 5 xildhibaan waxaa ka aamustay labo mudane. Sidaasi darteed uu Guddoomiyuhu uu sheegay inuu ansax yahay Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.