Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. GUDDIGA GAADIIDKA OO U YEERAY WASIIRKA DEGEDAHA IYO GADIIDKA BADDA
 GUDDIGA GAADIIDKA OO U YEERAY WASIIRKA DEGEDAHA IYO GADIIDKA BADDA
Wararka

GUDDIGA GAADIIDKA OO U YEERAY WASIIRKA DEGEDAHA IYO GADIIDKA BADDA

by Fitaah Diinle January 22, 2023 10 0 Comment

AA

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ; Mudane Abdillahi Ahmed Jaamac (Ilkajiir) oo ay weheliyaan Wasiirudawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad) ayaa masuuliyiinta wasaaradda looga dhageystay shaqada Wasaaradda ka socota oo ay ugu horreeyaan dib udhiska lagu ballaadhinayo dekedda Muqdisho, Wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekedda Muqdisho, sidoo kale qorshayaasha guud ee Wasaaraddu adeeggeeda ku fidinayso dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa suaalo oraaheed waydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda sidoo kalena u muujiyey inay diyaar u yihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan meel kasta oo ay caqabad kasoo waajahdo.

Arrimaha aadka loo dul istaagay waxa ka mid ah sidii loo dhiirrigelin lahaa dhisidda ama yagleelidda dekedo kuwaas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha, sidoo kale in la helo waddooyin ka baxa dekedaha dalka kuwaas oo isku xidha dekedaha iyo dalka intiisa kale amma waddamada jaarka. Iyo ugu dambayntii in heshiiska Shirkadda Albeyrak wasaaraddu hoos u eegto lana hubiyo in la fuliyey dhammaan qodobbadii lagu heshiiyey 2013 kii.

kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa loo ballamay in kormeer lagu sameeyo Dekedda Muqdisho, Dekedda qallalan (Dry Port) ee ku taalla aagga garoonka, iyo sidoo kale dekedaha kale ee dalka.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 19

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.