GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Guddida Waxbarashada Qaranka Somaliland ayaa yeeshay kulankoodii 10aad
Kulanka gudida oo uu gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed Ayaa ka qabsoomay Xafiiska Guddida Waxbarashada Qaranka ee Magaalada Hargeysa, waxaana kulankaasi xubnaha guddida ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo xubno ka mida Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Iyo Sayniska Somaliland.
Intii uu kulanku soday Xubnaha Guddida Waxbarashada Qaranka ayaa warbixino Guud ka dhegaystay qaar ka mida Agaasime waaxeedyada Waxbarashada, waxaana layskaga xog- waraystay waxyaabihii ka qabsoomay dibu-eegista manhajka dugsiyada hoose dhexe, adeegsiga xogta waxbarashada (EMIS data) iyo tayaynta kormeerka waxbarashada oo kamid ahaa Ajandayaashii gudigu ay hore uga wada hadleen sidii looga hawl gali lahaa, waxaanay agaasime waaxeedyadaaso soo bandhigeen caqabadaha jira ee u baahan in xal loo helo.
Halka xubnaha Guddida Waxbarashada Qarankuna ay ka hadleen muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo sugida xogta waxbarashada dalka, waxayna Wasaaradda Waxbarashada ku bugaadiyeen diyaarinta iyo ilaalinta xogta waxbarashada Qaranka.
Ugu danbayn kullantaas 10-aad ee ay yeesheen guddida ย Waxbarashada heer Qaranka ee Somaliland waxa layskula qaatay in la xoojiyo kormeerka waxbarashada, lagana faaโidaystoย Xogta ku kaydsan weel xogeedka Wasaaradda Waxbarashada (EMIS) kaasi noqon doona ka ay daneeyayaasha waxbarashadu ku goโaan qaataan warbixinaha iyo xogaha ka soo baxa Wasaaradda Waxbarashada.