Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo Aqoon-korodhsi u tegay Dalka Ruwanda…
 Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo Aqoon-korodhsi u tegay Dalka Ruwanda…
Wararka

Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo Aqoon-korodhsi u tegay Dalka Ruwanda…

by Raad Raac December 19, 2022 5 0 Comment

AA

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka anbabixiyay masuuliyiinta waaxda baadhista xasuuqa Somaliland, oo aqoon korodhsi la xidhiidha arrimaha xasuuqa u tagey dalka Ruwaanda.

Saleebaan Warsame Guuleed wasiirka cadaaladdu waxa uu sheegay in waaxda baadhista xasuuqa iyo ka hortaga danbiyada ee wasaaradda caddaaladda, in aqoonta ay ka soo bartaan ay ku kabi doonaan shaqadii ay hore ugu hayeen Qaranka.

Geesta kale waxa uu sheegay in tababarkan aqoon korodhsiga ah ee ay dalka Ruwaanda u tageen guddida baadhista xasuuqa Somaliland uu ka shaqeeyay madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu gacan weyn ka gaystay anbabaxoodii.

Waxaanu yidhi.“Xasuuqii uu Somaliland taliskii gumeysiga ahaa ku sameeyay dhammaana hawlo badan ka soo qabtay gobollada dalka haddana raadad badan haya iyo aasaar badan oo ka dhalatay xasuuqa gacanta ku haya, lagama maar maan ayay noqotay in dalalka sideenaas oo kale inala midka ah inay aqoon korodhsi u tagaan, inay wax badan ka soo fahmaan iyaga oo muddo ku maqnaan doona dalka Ruwaandha.

Madaxweynaha Somaliland oo kaalin weyn ka qaatay sidii kooxdan baadhista xasuuqu ugu bixilahaayeen dalka Ruwanda qayb laxaadleh ka qaatay, iyaga oo wax badan ka soo faa’idaysan doona kuna kabi doona shaqadii hore ee ay Qaranka u hayeen

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 41

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.