Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Goolhayihii Real Madrid Iyo Barcelona Ee Laga Soo Caydhiyey Xulka Spain Oo Nolol Cusub Ka Bilaabay Horyaalka Premier League…
 Goolhayihii Real Madrid Iyo Barcelona Ee Laga Soo Caydhiyey Xulka Spain Oo Nolol Cusub Ka Bilaabay Horyaalka Premier League…
Cayaaraha

Goolhayihii Real Madrid Iyo Barcelona Ee Laga Soo Caydhiyey Xulka Spain Oo Nolol Cusub Ka Bilaabay Horyaalka Premier League…

by Raad Raac December 25, 2022 13 0 Comment

AA

Real Madrid ayaa muddo kooban ku eriday, waxaana uga horreeyey xulka qaranka Spain oo isaga oo aan xataa ogolaanin inuu dalkiisa kusoo laabto kaddib markii uu cir-weyni la yimid ee uu laba shaqo oo aan is-qaadan karayn damcay inuu isku darsado.

Waa goolhayaha Barcelona ee kasoo garab ciyaaray Ronaldo Nazario ee ay ku wada damaashaadi jireen Camp Nou xiddigo waaweyn iyo shaqaale uu ka mid ahaa Jose Mourinho oo gacan-yare u ahaa Louis van Gaal. Maanta se waxa uu ku sugan yahay horyaalka Premier League oo uu isku illowsiinayo nabarradii hore oo u muuqanaya inuu waqti horeba kasoo doogay.   Julen Lopetegui oo ah tababaraha cusub ee Wolves, waxa uu ciyaariisii koowaad layliyey kooxdiisa cusub kulankii Gillingham ee Carabao Cup oo ay guul 2-0 ah soo hooyeen. Farxaddiisu waxay sii socon doontaa illaa Isniinta halkaas ayaana looga diiwaangelin doonaa taariikhdiisa Premier League oo ku firmi doonta guul, guul-darro ama barbarro.   56 jirkan ayaa Wolves u hoggaamin doona Goodison Park oo ay ugu tegayaan Everton, waxaana loo qaadanayaa qalinka in loo diiwaangeliyo natiijada ciyaartiisii koowaad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay u noqonayso kulankiisii koowaad.   Maalmo ka hor intii aanu bilaaban Koobkii Adduunka 2018 ee Ruushka ayaa Julen Lopetegui laga caydhiyey xulka qaranka Spain oo waqtigaas ku sugnaa Ruushka, iskuna diyaarinayay ciyaartoodii koowaad, kaddib markii ay Real Madrid si lama filaan ah ugu magacowday tababaraheeda. Laba sannadood oo uu ahaa tababaraha Spain oo 20 ciyaarood oo uu hoggaamiyey aan marna laga badin ayaa sidoo kusoo idlaaday, dalkiisuna waxa uu kusoo hadhay wareegga 16ka oo ay Ruushku rikoodheyaal ku garaaceen.

Real Madrid ayaa iyaduna bahdilaad ku samaysay, waxaanay shaqadaka eryeen 74 maalmood oo kaliya markii uu xilka hayay. 14 ciyaarood oo kaliya ayuu ahaa  tababaraha Real Madrid, waxaanay kaliya guuleysteen lix ka mid ah, taas ayaana keentay in la caydhiyo. Kulamada sida xun loo garaacay waxa ka mid ahayd UEFA Super Cup oo ay Atletico Madrid ku karbaashtay 4-2. Waayihiisa tababarenimo ee Real Madrid waxa soo afjartay Barcelona oo 5-1 ku xasuuqday Real Madrid.

Niyad-jab kaddib waxa uu galay waqti uu wawbraahinta iska qariyey hase yeeshee waxa uu dib ugu soo laabtay tababarenimada horyaalka Spain xilli ciyaareedkii 2019-20 oo uu Sevilla qabsaday. Waxay kooxdiisa cusub illowsiisay waqtigii adkaa iyadoo August 2020 uu Inter Milan ku garaacay finalka Europa League.Waxa kale oo uu ka naxsaday oo uu ka badiyey Manchester United oo semi-finalka Europa League ay kaga adkaadeen ka hor intii aanay finalka tegin. Waxa kasii horreysay Roma oo ay wareeggii siddeedda kusoo dhaafeen.

Si kastaba, tababaraha Wolves ee usoo guuray Premier League waxa uu ahaa goolhaye usoo ciyaaray kooxaha Spain ee Real Madrid oo uu u dheelay 1988–1989 iyo Barcelona oo uu ka tirsanaa 1994 illaa 1997.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.