Goob Jooge Ku Sugan Laascaanood …
Goob Jooge Ku Sugan Laascaanood Oo Radio somit Uga Waramay Xaalada Magaalada
Goobjooge ku sugan magaalada Laascaanood oo aan khadka telefanka ka wada hadalnay ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay isku soo baxyada ay shacabku ku muujinayaan dareenkooda.
Sidoo kale waxa noo xaqiijiyey in ciidamada Somaliland ay shirkadaha ku qasbeen in hawada laga saaro internet-ka, waxaanu ii cadeeyey inuu jiro khasaare soo gaadhay xarunta shirkada Golis oo iyadu diiday amarkaas balse ciidanku gudaha u galeen xarunteeda Laascaanood.
Goobjoogahani waxa kale oo uu sheegay in ciidamadii ugu badnaa ay ku sugan magaalada Laascaanood kuwaas oo awood ku hor istaagaya isku soo baxyada shacabka oo aan u muuqan kuwo la muquunin karo, ciidan fara badan oo milatari ah ayuu ii xaqiijiyey inay gudaha magaalada Laascaanood ku sugan yihiin.
Sidoo kale wararka iga soo gaadhay magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani uu ku sugan yahay hotel-ka mustaqbal ee magaalada Laascaanood, waxaana jira khilaaf dhexmaray taliye Mahad Cambaashe.
Nuux Taani iyo Mahad Cambaashe ayey wararku sheegayaan inay isku afdhaafeen qorshaha ciidanka milatariga lagu galiyey magaalada Laascaanood, taliye Mahad Cambaashe ayaana soo jeediyey in ciidanka magaalada laga saaro halka uu Nuux Taani ku dooday in la sii balaadhinayo hawlgalada ay ciidanku ka fulinayaan magaalada, taas oo sababtay in labada askari ay cadho ku kala tagaan.