GERRARD OO AMAANAY CIYAARYAHAAN KA TIRSAN CHELSEA
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa amaan ugu qubeeyay saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Mykhailo Mudryk kaddib kulankiisii ugu horreeyay ee uu shalay ciyaaray.
Mudryk ayaa bedel ku yimid qaybtii dambe ee kulankii Anfield ku dhex maray Chelsea iyo Liverpool ee barbardhaca goolal laโaanta ah ku dhammaaday isagoo ifafaalo wanaagsan muujiyay.
Xiddiga Ukranian-ka ah ayaa muujiyay tayadiisa sababtay in Chelsea heshiis guud ahaan 100 Milyan oo euro tagaya kasoo bixiso isagoo isticaamalayay xawaarihiisa cajiibka ah iyo goysmadiisa heerka kale ah.
Gerrard ayaa sheegay in haddii uu taageere Chelsea ah ahaan lahaa si weyn ugu farxi lahaa wuxuu ka arkay Mudryk isla markaana uu ku xasuustay halyeeyga ree Holland ee Arjen Robben.
โHaddii aan ahaan lahaa taageere Chelsea ah si xad dhaaf ah ayaan ugu farxi lahaa Mudryk sababtoo ah kaasi wuxuu ahaa bedel aad u xoogan haddii uusan wali taam buuxa ahayna kaddib wax badan ayaa dhinacaas kasoo socdaโ ayuu yidhi Stevie G.