GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
GEEDI SOCODKA TAYAYNTA MANAAHIJTA QARANKA SOMALILAND
Gudida Waxbarashadda Qaranka oo ay weheliyaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socoto TAYAYNTA MANAAHIJTA QARANKA.
Masuuliyiinta Waxbarashada iyo Xubnaha gudida oo u kuur galiyay sida ay u socoto hawsha dib u eegista Manhajka waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe oo ay gacanta ku hayaan 90 xeeldheere iyo 10 lataliye ayaa mid mid isu dul taagay qaybaha kala duwan ee ay hawshaasi ka socoto.
Sidoo kalena, waxay warbixino la xidhiidha sida ay hawshu u socoto ka dhagaysteen madaxda Xafiiska Manaahijta iyo horjoogeyaasha hagaya dib-u-eegista maadooyinka manaahijta ee kala duwan.
Kormeerkan oo daaranaa dardargelinta hawlaha dib-u-eegista manhajka ayaa xubnaha Gudida waxbarashada Qaranka iyo Wasiiradu ay usoo Jeediyeen In ay u dhabar adaygaan hawsha baaxada leh ee qaranku u xilsaaray islamarkaana ay waajibaadkaasi u gutaan si wadaniyadi ay ku dheehan tahay.
Waxaanay ku dheeraadeen in Manhajka la diyaarinayaa uu noqdo mid soo saaraya arday wadani ah oo ku astaysan diin ku-dhaqan, shaqo jacayl, dulqaad iyo curin oo ku hubaysan Aqoonta aynu u baahanahay oo ku haboon baahida dadkeena iyo dalkeena, isla markaana la jaan qaadaysa horumarka CARRO EDEG ka hanaqaaday.
Waxaanay ilaahay uga baryeen macalimiinta iyo khubarada gacanta ku haysa inuu hawshaasi ku Asturo, isla markaana ay wasaaradda iyo gudiga waxbarashaddu garab taagan yihiin.