Garsoorihii Finalka Koobka Adduunka Oo Shaaciyey Qaladkii Kali Ahaa Ee Uu Sameeyey Ciyaartii Argentina vs France…
Garsoorihii hayay ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee Szymon Marciniak ayaa sheegay inuu sameeyey hal qalad oo kaliya 120 daqiiqadood uu dhax-dhaxaadinayay Faransiiska iyo Argentina, kuwaas oo markii dambe ku kala baxay rikoodheyaal ay Argentina guushu ku raacday.
Szymon Marciniak ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyey ee reer Poland ah ee qabta ciyaar finalka Koobka Adduunka ah, waxaana uu galay taariikhda dalkiisa, hase yeeshee taageereyaasha ayaa ku kala aragti duwanaaday go’aamadiisa qaarkood.
Waxa aan ka baqay in qaladkaas uu ciyaartoygii qaladka lagu galay uu doonayay in ciyaarta loo joojiyo, si qaldan ayaan wax u akhriyey sababtoo ah waxba ma dhicin. Waxay ahayd in aan usii daayo ciyaarta ‘advantage’ kaddibna aan kaadhka mar dambe siiyo.
Way adkayd. Ciyaar sidan oo kale ah, waxa aan qaladkaas oo kale u qaadanayaa bar madow, waxa se muhiimka ah waxay ahayd in aanay jirin qaladaad waaweyn.