GAROONKA XUDUR OO DIB U HAGAAJIN LAGU SAMEENAAYO MAANTA.
Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa hormuud u ahaa Olole lagu ballaarinaayo laguna nadiifinaayo dhabbaha ay ku duulaan diyaaradaha ee Garoonka magaalada Xudur.
Qaar kamid ah Bulshada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo maamulka Gobolka Bakool ayaa Gudoomiyaha ku wehlinaayey Ololaha isku tashiga ah ee lagu horumarinaayo Garoonka diyaarada ee magaalada Xudur.