GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Oo Dirayska Ciidanka Ku Soo Labistay…
Ganacsade Jabuutaawi oo ku sugan Magaalada Laascaanood kana mid ah ganacsatada jaadka keena Somaliland ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Laascaanood ayaa ku soo labistay dirayska Ciidamada.
Ganacsadaha ayaa sawirkan uu dirayska xidhanyahay aad loogu falan qaynayaa maanta baraha Bulshada, iyagoo dadka qaar ku sifaynayaan in ganacsaduhu muujinayo sawirkiisane xaalad colaadeed, halka dadka qaarna ku amaameen faalooyinka ay ka bixinayaan iyagoo sheegaya in qanacsaduhu dadkiisa la dareen yahay manta.
Sawirkan Ayaan ku soo beegmaya xili wax garad badan oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ay ku soo qul qulayaan laascaanood, iyadoo xukuumada Muuse Biixina ay uga digtay in aan Laascaanood lagu qaban Karin shirar ka dhan ah Somaliland.