FULINTA QORSHO HAGAHA MAGAALADDA WARDHEER OO LA SOO GABAGABEEYAY.
Waxaa lasoo gabagabeeyay Fulinta Qorshe-hagaha Magaalada Wardheer ee Xarunta gobolka Doolo.
Qorshe-hagahan oo uu fuliyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ayaa ah nooca loo yaqaano Qorshe-hagaha dhamayskatiran (Structural Plan) Waxaana hada lasoo gabagabeeyay wajigii 3aad ee fulinta iyada oo lagafuliyay dhul baaxadiisu dhantahay 300Hictar kaas oo ubadan jihada ay Magaaladu ufidayso.
Fulinta wajigan 3aad ee Qorshe-hagaha, ayaa kusoo beegmay xili Magaalada lagawado Mashruuca Biyogalinta oo ay kubaxday inkabadan 300Milyan oo Birr, kaas oo hakad ugalay sababo la xidhiidha caqabado kajiray dhinaca Fulinta Qorshe-hagaha Magaalada.