Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. France Football Oo Shaaciyey Xiddig Aan Ahayn Lionel Messi Oo Ku Guuleystay TODDOBA Ballon d’Or…
 France Football Oo Shaaciyey Xiddig Aan Ahayn Lionel Messi Oo Ku Guuleystay TODDOBA Ballon d’Or…
Wararka

France Football Oo Shaaciyey Xiddig Aan Ahayn Lionel Messi Oo Ku Guuleystay TODDOBA Ballon d’Or…

by Raad Raac December 23, 2022 30 0 Comment

AA

Lionel Messi ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee aad ogtahay in uu toddoba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, laakiin wargeyska France Football ee bixiya billaddan ayaa waxa uu shaaciyey xiddig kale oo toddoba jeer ku guuleystay oo laga yaabo in aanad hore u ogeyn.

Xiddigii reer Liberia ee George Weah ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee aan Yurub u dhalan ee ku guuleysta Ballon d’Or. Sannadkii 1995kii ayaa la beddelay qaabkii abaal-marintan loo bixin jiray, waxaana laga dhigay in ciyaartoyda dunida oo dhan u siman yihiin, waana sababta Weah oo Afrikaan ah oo wacdaro kaa dhigay AC Milan sannadkaas  uu ugu guuleystay.

Sannadkii 2016, wargeyska France Football ayaa shaaciyey in Pele laga duudsiyey xuquuq uu lahaa, waxaana loo aqoonsaday isla markaana la guddoonsiiyey toddoba Ballon d’Or oo uu xaq u lahaa sannadihii 1958, 1959, 1960, 1961, 1963, 1964 iyo 1970 oo kaliya uu ku waayey in aanu reer Yurub ahayn.

Waxa kale oo France Football uu abaal-marino uu siiyey Maradona oo laba jeer xaq u lahaa, Mario Kempes, Garrincha, iyo Romario.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.