Rasomit Rasomit

Breaking News

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. FIFA Oo Dib U Eegis Ku Sameyneysa Qaabka Loo Ciyaaro Koobka Aduunka…
 FIFA Oo Dib U Eegis Ku Sameyneysa Qaabka Loo Ciyaaro Koobka Aduunka…
Cayaaraha Wararka

FIFA Oo Dib U Eegis Ku Sameyneysa Qaabka Loo Ciyaaro Koobka Aduunka…

by Raad Raac December 17, 2022 72 0 Comment

AA

Hey’adda kubadda cagta adduunka maamusha ee FIFA, ayaa waxey dib u eegis ku sameyneysaa qaabka Koobka Adduunka ee sanadka 2026-ka uu uga qabsoomayo dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada, sida uu sheegay madaxa hey’adda, Gianni Infantino.

Kooxaha ayaa tiradoodu kor looggu qaadi doonaa 32 illaa iyo 48, waxaana lagu wadaa in loo qaybiyo 16 guruub oo saddex qeybood ah, iyadoo labada kooxood ee ugu sareysa ay kasoo baxaan 32-da kooxood.

Infantino ayaa sheegay in taasi dib u eegis lagu sameyn doono ka dib “guusha” ay gaaraan kooxaha Koobka Adduunka ee 2022 ee haatan ka socda dalka Qatar.

Halkan kooxaha afarta ah waxay ahaayeen kuwo aan la rumaysan karin,” ayuu yiri Infantino.

Ilaa daqiiqada ugu danbeysa ee ciyaarta ugu danbeysa, ma garan kartid cida soo baxaysa.

“Waa inaan dib u eegno ama ugu yaraan dib ugala hadalnaa qaabka dadka ay quseyso, tani waa wax hubaal ah oo ku jiri doona ajandaha kulanka soo socda.

Wareega Group-yada ee ka dhacay dalka Qatar, ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaarihii ugu dambeeyay ee xiisaha badan lahaa, iyadoo dalalku ay isku dayeen inay xaqiijiyaan buuxinta kaalimaha 2-aad ee u soo bixista wareega 16-ka.

Qaabka guruubyada afarta kooxood, oo labada kooxood ee ugu sareysa ay u soo gudbeen wareega 16ka, ayaa la isticmaalay tan iyo markii Koobka Adduunka ee ragga lagu ballaariyay 32 kooxood sanadkii 1998-dii.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 15

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 28

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.