GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Erik ten Hag Oo Sharaxay Sababta Rasmiga Ah Ee Luke Shaw Uu Uga Ciyaarayo Booska Daafaca Dhexe…
Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in codsi uga yimid Luke Shaw inay keentay in daafaca bidix laga ciyaarsiiyo booska daafaca dhexe kulanka Nottingham Forest.
Xiddiga Ingariiska ayaa lagu soo daray shaxda Red Devils ee kulanka ay la ciyaarayaan kooxda u sharaxan inay heerka labaad u dhacdo xilli ciyaareedkan.
Laakiin waxaa dad badan ka yaabiyay booska uu Erik ten Hag geeyay Luke Shaw.
Waxa uu Luke Shaw u doortay inuu daafac dhexe ka garab ciyaaro Raphael Varane oo isna soo laabtay halka Tyrell Malacia uu ka dheelayo booska daafaca bidix.
Inkastoo Shaw uu booskiisa aheyn daafaca dhexe hadana tababare Erik Ten Hag ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu codsaday inuu booskaas ka dheelo madaama seddex daafac dhexe ay kooxda ka maqnaayeen ka dib Koobkii Adduunka.Tababare Ten Hag ayaa ciyaarta ka hor yiri: “Shaw isaga ayaa dalbaday inuu ka dheelo daafac dhexe todobaadkii hore. Qasab ayay nagu aheyd inaan xal u raadino booskaan, taas ayaana sameyneynaa.
“Ciyaartoyda waa kuwa khibrad leh, wayna garanayaa shaqadooda. Waxaa iga dhaadhacsan inay yihiin koox fiican.”
Waxaa la sugayaa in la arko ilaa iyo mudada uu Shaw ka sii ciyari doono booska daafaca dhexe.
Lisandro Martinez ayaa fasax dheeri ah la siiyay ka dib marki uu Koobka Adduunka la qaaday Argentina halka Harry Maguire uu xumad ku seegay kulankii Carabao Cup ee ay ka badiyeen Burnley. Kabtanka United ayaa kursiga keydka fadhiya kulanka caawa ee Nottingham Forest.