ELON MUSK AYAA KA SOO MUUQDAY KOOBKA ADUUNKA ASIGA OO XIRAN FANAANAD QIIMAHEEDU YAHAY 10 DOLLAR
Sawirka Elon Musk oo ka qaybgalayey koobka adduunka. Cashar ayaa uu qof kasta u yahay.
Nin leh shirkadda ugu caansan adduunka ee samaysa gawaadhida korontada ku shaqaysa, leh shirkad isgaadhsiineed oo taariikhda aanu nooceedu soo marin, haysta hanti boqollaal bilyan ah, sida oo kalana leh shabakadda caanka ah ee ‘Twitter’ ayaa yimid, isaga oo ku labbisan garan 10 doolar qiimihiisu yahay.
Isla markaana aan lahayn guri hanti ah ee ku nool qol yar oo loox ka samaysan oo shirkaddiisa dhinaceeda ku yaalla. Laakiin taariikh ayuu samaynayaa.