Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia oo u digay Muwaadiniintooda ku sugan Pakistan
 Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia oo u digay Muwaadiniintooda ku sugan Pakistan
Wararka

Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia oo u digay Muwaadiniintooda ku sugan Pakistan

by Maxamed Ajiib December 27, 2022 3 0 Comment

AA

Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia ayaa ugu dambeeyey Dowladaha Digniinta ka soo saaray cabsi la xiriira weeraro ka dhaca Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Safaarada Sacuudiga ku leedahay Caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa soo saartay Digniin dhanka Amaanka,ย  iyadoo Muwaadiniintooda kula talisay inay Feejignaadaan iyo inay xadidaan Dhaqdhaqaaqooda.

Dowladda Australia waxay iyagana soo saareen Digniin ku wajahan Muwaadiniintooda ku suganย  dalka Pakistan.

Wakiilka Sare ee Ergada Australia ka jooga Pakistan,ย  Neil Hawkins waxa uu Muwaadiniintooda kula taliyey inay kordhiyaan Feejignaantooda iyo inay xadidaan socodkooda gudaha magaalladda Islamabad.

Digniinahaasi waxay soo baxeen hal maalin kadib, markii ay Safaarada Maraykanka ka joojiyeen Shaqaalahooda inay booqdaan Hotelka caanka ee Marriott ee ku yaalla Islamabad,ย  cabsi laga qabo inay weeraro ka dhaca.

Safaarada UK ee Islamabad ayaa iyadana soo saartay Digniintaasi oo kale, halka ay dhowr Safaaradooda ee fadhigooda yahay Pakistan kula fuliyeen Muwaadiniintooda iyo Shaqaalahooda ku sugan Caasimadda Federalka Pakistan ee Islamabad inay xadidaan socodkooda ilaa laga gaarayo bisha January 1-da ee sanadka cusub ee 2023-ka.

Dhanka kale,ย  Boliska magaalladda Islamabad waxay kordhiyaan Feejignaanta Amaanka Caasimadda, gaar ahaan baaritaanada Guud shssn Baraha laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee magaalladda Islamabad.

Jimcihii la soo dhaafay, weerar Is-qarxin oo ka dhacay Islamabad waxaa ku geeriyooday Askari Bolis ah iyo Dareewalkii Taxi.

Dalka Pakistan waxaa 22-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay 504 weeraro Is-qarxin ahaa oo ay ku naf waayeen 6,748 qof, kuna dhaawacmeen 15,111 qof, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Hayโ€™adaha Amaanka ee dalkaasi.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.