Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. DOWLADDA UGANDA OO BAADI GOOBEYSO DALAWAR SOMALI AH OO GEEYSTAY SHIL GAARI
 DOWLADDA UGANDA OO BAADI GOOBEYSO DALAWAR SOMALI AH OO GEEYSTAY SHIL GAARI
Wararka

DOWLADDA UGANDA OO BAADI GOOBEYSO DALAWAR SOMALI AH OO GEEYSTAY SHIL GAARI

by Fitaah Diinle January 14, 2023 12 0 Comment

AA

Boliaka dalka Ugandw ayaa sheegay inay raadinayaan Dareewalka Soomaaliga ah oo baxsad ah, kadib, markii uu shalay oo Jimco ahayd Shil Gaari ku dilay Haweeney 22-jir ah oo lagu Magacaabi jiray Mary Akullo.

Dareewalka oo magaciisa lagu soo koobay Burhan ayaa ah Muwaadin Soomaali oo degan Kakuma ee dalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu eedeynayaa inuu gaarigiisa ku jiiray Haweeneydaasi.

Shilkaasi waxa uu ka dhacay Wadadada Juba Road ee qeybta Galbeed ee magaalladda Lira City ee dalkaasi.

Afhayeenka Bolis-Gobaleedka Waqooyiga Kyoga (The North Kyoga), Patrick Jimmy Okema ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor inuu Eedeysanaha oo kaxaynayey gaari noociisu ahaa Mercedes Benz uu ku dhacay Mooto waday Haweeney Rakaab ah iyo dhowr Jawaan oo Galley ah.

Gaariga shilka geystay waxa uu Lambarka Taarigadiisu ahaa (Reg. No. SSD 121Q/SSD 648 Mercedes Benz).

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Haweeneydii ka dhacday Mootadii, kadibna uu jiiray Gaarigii, iyadoo Haweeneydii ku geeriyootay Shilkaasi.

Afhayeen Okema waxa uu tilmaamay inay Boliska ku baxeen Shilkaasi, iyadoo maydka Haweeneyda la dhigay Qeybta Maydadka ee Isbitaal-Gobaleedka ee Lira Regional Hospital.

Dareewalka Soomaaliga waxaa la sheegay inuu baxsaday, isagoo gaarigii kaga tegay goobta uu shilka ka dhacay.

Dhanka kale, Afhayeenka Bolis-Gobaleedka Waqooyiga Kyoga, Patrick Jimmy Okema waxa uu xusay inay Saraakiisha bilaabeen Baaritaano iyo inay raadiyaan Dareewalkii baxsaday ee geystay Shilkii sababay geerida Haweeneyda lagu magacaabi jirey Mary Akullo.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.