Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Dowladda Gambia Oo Sheegtay Inay Fashilisay Afgembi Militari…
 Dowladda Gambia Oo Sheegtay Inay Fashilisay Afgembi Militari…
Wararka

Dowladda Gambia Oo Sheegtay Inay Fashilisay Afgembi Militari…

by Raad Raac December 23, 2022 7 0 Comment

AA

qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay inay afgambiyaan dowladda

Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay fashilisay afgambi militari, ayna xireen afar askari oo qorsheynayay inay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xiriirinayo afgambiga la sheegay inuu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii.

Iyada oo lagu saleynayo warbixinnada sirta ah… qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay inay afgambiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay  ayay dowladdu sheegtay Arbacadii.

Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sano oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey.

Jammeh qudhiisa ayaa xukunka afgambi kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro kahor inta aanu ku guuldarreysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii, taas oo uu ku guuleystay Barrow.

Xil ka qaadistiisa ayaa loo arkayay mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, walow ay jirtay niyad jab xooggan oo ay xukuumadda Barrow ka qabeen inay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca maciishada.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 19

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.