DOWLADDA DEEGANKA SOMALIDA OO SHEEGAY IN AY TAAGEERI-DOONAAN SHIRKADA XOOLO QALISTA EE JESH
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS ayaa sheegay in warshadda gawraca xoolaha ee JESH ay ka taageerayaan sidii ay shaqda dib ugu billaabi lahayd.
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS Mudane Maxamed Sheekh Aadan oo ay weheliyaan agaasinnada waaxaha suuq-geynta iyo wax-soo-saarka xoolaha ayaa kormeeray qeybaha ay warshaddu ka kooban tahay ,iyaga oo warbixin la xidhiidha caqabadaha hakadka galiyay shaqada warshadda ka dhagaystay mulkiilayaasha warshadda.
Warshaddan oo sida ay sheegeen mulkiileyaasheedu bil kaddib billaabayso shaqada ayaa waxaa shaqo-abuur ka helaya boqollaal qof, iyada oo awood uleh in maalinkiiba ay qasho 6,800 oo neef oo isugu jira lo’, geel iyo adhi.