Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. DFS oo kasoo horjeesatay shirkado qorsheynaya inay Shidaal ka baaraan Somaliland
 DFS oo kasoo horjeesatay shirkado qorsheynaya inay Shidaal ka baaraan Somaliland
Wararka

DFS oo kasoo horjeesatay shirkado qorsheynaya inay Shidaal ka baaraan Somaliland

by Maxamed Ajiib December 28, 2022 6 0 Comment

AA

Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto  gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday  shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. .

“ iyada oo laga duulayo Mabda’a Madaxbanaanida Joogtada ah ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xasuusineysaa Shirkadda Genel Energy PLC iyo cid kasta oo kale oo maalgashan karta in ogolaanshaha sahaminta iyo horumarinta kheyraadka batroolka ee Soomaaliya uu waafaqo qodobka 44-aad ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, Lahaanshaha, Maareynta iyo Heshiiska Wadaagista Dakhliga, Sharciga Batroolka iyo sharciyada kale ee lagu dabaqi karo iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  ku wargelisay Maal-gashadayaasha Shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u fasaxaysa sharciga iyo qawaaniinta u degsan Soomaaliya in ay bixiso oggolaanshaha baarista iyo horumarinta kheyraadka Shidaalka sida uu dhigayo Sharciga Shidaalka Soomaaliya. Ogolaansho kasta oo la bixiyo oo ka hor imaanaysa shuruucda iyo qawaaniinta Soomaaliya waa sharci darro waxaana loo aqoonsanayaa mid aan waxba ka jirin.

“ Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida kheyraadkeeda, waa in ay qaaddaa tallaabo kasta oo suurtagal ah, ayna raacdo dhammaan dariiqooyinka sharciga ah, taasoo qayb ka ah waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta midnimada geyiga Soomaaliyeed, midnimada iyo madax-bannaanida joogtada ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. , oo ay ku jiraan khayraadka kasta ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka dowladda Soomaaliya.

Madaxda Shirkadda Genel Energy PLC iyo Somaliland ayaan weli ka hadlin warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, hayeeshee Somaliland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 81

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.