Granit Xhaka ayaa ku sii dhawaanaya in uu ka tago kooxda Arsenal kadib markii ay kooxaha Arsenal iyo Roma ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.

Xiddiga khadka dhexe ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee Jose Mourinho suuqa xagaagan ee kooxda caasimada Italy.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Roma kor u qaaday dalabkii ay ku doonaysay xiddiga kadib markii ay Arsenal diiday dalab 13 milyan oo euro ah todobaadkii hore.

Kooxda Roma ayaa miiska saartay dalab cusub oo dhan 15.5 milyan euro taas oo ah mid Arsenal qanciyay.

Xhaka ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda Roma kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here