GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
DE GEA OO SHEEGAY IN UU XASILOONI KU DAREEMAAYO IN UU WAQTIGIISA KU QAATO KOOXDA MANCHESTER UNITED
Goolhayaha Man United ee De Gea ayaa go`aan ka gaaray mustaqbalkiisa kooxdaas xilli midkiisa haatan uu ku siman yahay dhamaadka xilli ciyaareedkaan
Waxa uu sheegay in uu doonayo in inta ka harsan aayihiisa kubadda cagta ku sii qaato Unted waxaan hishiiskiisa haatan ku jira qodob xusaya in in sanad dheeraad ah uu ku dari karo
“Halkaan xasilooni ayaan ku dareemayaa , waxaan doonayaa in aan soo bandhigo waxa ugu fiican ee aan awoodo ” ayuu De Gea ka yiri Sky Sports
“Waxaan rajeynayaa in aan halkaan sii joogo inta ka harsan aayaheyga ciyaaraha , sharaf ayay ii tahay in aan Unted ahay waana ku faraxsanahay”
Arintaan ayaa imaaneysa xilli United ay biloowday raadinta badalka goolhaye De Gea iyaga oo isha ku haya dhowr goolhaye