WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022
DARAASAD LAGU OGAANAAYO NAFAQO-DARRADDA OO LAGA SAMEEYAY GOBALKA DOOLLO
Daraasaad iyo xog soo uruurin lagu ogaanayo nafaqo-darrada ayaa lagu qabtay gobolka Doollo xaruntiisa magaalada Wardheer.
Xafiiska Maareynta Khataraha
Masiibooyinka DDS oo kaashanaya bahwadaagtiisa hay’adaha caalamiga ah Unicef, World Food Programme & Action Against Hunger ayaa wada daraasaad iyo xog soo uruurin loogu kuurgalaya nafaqo-darrada, qorshahan oo laga fulin dooono Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Oromada.
Daraasaadkan iyo xog soo uruurinta nafaqo-darrada oo noqon doonta guri ka guri ah ayaa loogu talo’galay in lagu soo maro 90 tuulo, waxaana ka qeybqaadan doona 40 dhallinyara ah oo laga soo kala xulay degmooginka gobolka Doollo. Daraasaadkan ayaa loogu talo’galay in lagu soo gabo’gabeeya muddo 15 cisho ah.