GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
DARAASAAD KU SAABSAN CAABUQA COVID 19 IYO CUDURADA FAAFA OO AYAA LAGA DAAH-FURAY MAAMULKA MAGAALADA TOG WAJAALE.
Daraasaad la xidhiidha caabuqa Covid-19 iyo cudurrada faafa oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Jigjiga iyo urur-goboleedka IGAD ayaa laga daahfuray Maamulka Magaalada Tog-wajaale.
Kulanka lagu daahfurayay daraasaadkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno ka socday Jaamacadda Jigjiga, waxgaradka iyo masuuliyiinta Maamulka Magaalada Tog-wajaale, waxayna kaga wada hadleen kulankaasi in masuuliyiinta iyo cuqaasha magaalada Wajaale ay kaalintooda ka qaataan hirgelinta daraasaadkan.
Magaalada Wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed ama ganacsiyeed oo ay dad badan iskugu yimaadaan halisna u ah cudurrada faafa, waana ta keentay in maanta in laga daahfuro mashruucani lagu ogaanayo badqabka magaalada Tog-wajaale ee cudurrada faafa.