Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Dalka Innaga ayaa Leh Beesha Caalamkuna uma Taliso Somaliland.…
 Dalka Innaga ayaa Leh Beesha Caalamkuna uma Taliso Somaliland.…
Wararka

Dalka Innaga ayaa Leh Beesha Caalamkuna uma Taliso Somaliland.…

by Raad Raac December 15, 2022 9 0 Comment

AA

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd,ayaa beeniyay in wax wada hadal ah oo gaar ahi ay dhex mareen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaanu intaa raaciyay in casuumadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku tageen Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminayay in ay ahayd mid dhaqan oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.

“waxaanu ku tagnay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti martiqaad rasmi ah oo aanu ka helnay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,waxaanan ka qab galnay munaasibad dhaqan oo aroos ah,aroosyada iyo Geeriduna waxay ka mid yihiin kuwa kulmiya xataa dad col ah laakiin Somaliland iyo Jabuuti oo dad walaalo ah ayaa ku kulmay,si wanaagsan oo meeqaam sare lehna waa naloosoo dhaweeyay,munaasibad dhaqan ayaanay ahayd oon wax siyaasad ah aan shaqo ku lahayn.”

Wasiirka oo ka hadlayay warar been abuur ah oo baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in ay kulan gaar ah wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya intii munaasibadda dhaqan ee Jabuuti lagu sugnaa,ayaa yidhi. “wararkaa lagu faafiyay baraha bulshada waxba kama jiraan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliyana wax kulan ah oo ay wada yeesheen iyo wax wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ah oo la isla soo qaaday midna ma jirto manay kulmin.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay isku tashiga Somaliland iyo in ay tahay dal talada maamulkiisa isagu gacanta ku haya oo aan cid kale soo faro gelin Karin ama aanay jirin cid ku dirqiyi karta wax aanay Somaliland doonayn,waxaanu mucaaridka usoo jeediyay in ay ka waantoobaan marba meel isku qaadka iyo beesha caalamka u sheekaynta ay u yaacayaan,waxaanu yidhi .“Dalkan innaga ayaa leh Beesha caalamku ma laha,doorashooyinkiina waynu qabanaynaa sida xeerku dhigayo ayaana loo qabanayaa Beesha Caalamku haddii ay inoo imanayso iyo haddii kaleba doorashada waynu qabsanaynaa,dalkan na gudaha ayaa laga xukumaa ee Dibedda lagama xukumo.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.