Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. DALKA HINDIYA IYO DALKA PAKISTAAN OO UU KA DHAX QARXAY DAGAAL
 DALKA HINDIYA IYO DALKA PAKISTAAN OO UU KA DHAX QARXAY DAGAAL
Wararka

DALKA HINDIYA IYO DALKA PAKISTAAN OO UU KA DHAX QARXAY DAGAAL

by Fitaah Diinle January 26, 2023 80 0 Comment

AA

Arrintan ayaa dhacday markii xukuumadda Delhi ay weerarro ku qaadday xoogag ku sugan gayiga Pakistan, kaddib markii weerar lagu qaaday ciidamada Hindiya ee jooga Kashmir.

Pakistan ayaa kadib sheegtay inay soo ridday labo diyaarad militari oo Hindiya ay leedahay waxayna qabsatay duuliye diyaarad dagaal.

Hindiya iyo Pakistan ayaa wada sheegta Kashmir, balse waxay maamulaan keliya qeybo ka mid ah.

Hindiya ayaa muddo dheer ku eedeyneysay Pakistan inay taageerto xoogag goonni u goosad ah oo ku sugan dooxada Kashmir โ€“ eeddaas oo ay beeniso xukuumadda Islamabad. Dalalkan deriska ah ee ku hubeysan nukliyeerka ayaa saddex jeer is dagaalay tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Britain ayna kala qeybsameen sanadkii 1947. Dhammaantood marka hal laga reebo waxay ku saabsanaayeen Kashmir.

Buuggiisa oo lagu magacaabo In Never Give An Inch: Fighting for the America I Love (Taako ha siin: U dagaallamidda Ameerikada aan jeclahay), ayuu Mr Pompeo ku sheegay in โ€œuusan ku fekereyn in dunidu ay si buuxda u ogtahay sida ay Hindiya iyo Pakistan qarka ugu saarmeen inuu ka dhex dhaco dagaal nukliyeer bishii February 2019โ€.

โ€œRuntu waxay tahay, aniga xitaa si buuxda uma ogi jawaabta; waxaan ogahay keliya inay aad ugu dhowaadeen,โ€ ayuu ku yiri buuggiisa.

Mr Pompeo ayaa sheegay inuusan โ€œweligii illaawi doonin habeenkii โ€ uu ku sugnaa Hanoi shirka โ€œoo labada Kuuriya lagala xaajoonayay nukliyeerkaโ€ markii โ€œHindiya iyo Pakistan ay bilaabeen inay isu hanjabaan iyadoo midba kan kale uu ku eedeynayo murankii tobnaanka sano socday ee la xiriira gobolka xadka waqooyi ku yaalla ee Kashmirโ€.

Kaddib weerarkii lagu qaaday ciidamada Hindiya ee ay ku dhinteen in ka badan 40 askari โ€“ โ€œweerar argagixiso oo Islaami ah โ€ฆ. waxaa dabcan fududeeyay siyaasadaha aan adkeyn ee ka hortagga argagixisada ee Pakistanโ€, sida uu qabo Mr Pompeo โ€“ Hindiya ayaa ku jawaabtay weerarro cirka ah oo gudaha Pakistan ay ka geysatay. โ€œPakistan ayaa soo ridday diyaarad waxayna qabatay duuliye diyaaradeed oo Hindiya u dhashay.โ€

Mr Pompeo ayaa sheegay in uu ku baraarugay isagoo jooga Hanoi loona sheegay inuu la hadlo โ€œdhiggiisaโ€, Hindiya oo aan la magacaabin.

โ€œWuxuu rumeysnaa in Pakistan ay billowday in hubkeeda nukliyeerka ay u diyaariso weerar. Hindiya, ayuu igu wargeliyay, inay iyana is diyaarineyso,โ€ ayuu buuggiisa ku yiri Mr Pompeo.

โ€œWaxaan ka codsaday inuusan wax sameyn uuna ina siiyo hal daqiiqo si aan arrinta u xalinno.โ€

Mr Pompeo ayaa buugiisa ku qoray inuu bilaabay inuu la shaqeeyo la taliyihii ammaanka qaranka ee xilligaas John Bolton oo markaas la joogay.

Wuxuu sheegay inuu la hadlay madaxii ciidamada Pakistan ee xilligaas janaraal Qamar Javed Bajwa, isla markaana uu u sheegay wixii uu Hindiya ka maqlay.

โ€œWuxuu sheegay inaysan waxaas run ahayn. Sida uu qof filanayo, wuxuu rumeysnaa in Hindiya ay isu diyaarineysay weerar nukliyeer. Waxay nagu qaadatay saacado yar โ€“ iyo shaqo wanaagsan oo ay qabteen kooxdeenna joogtay New Delhi iyo Islamabad โ€“ inaan dhinac walba ku qancinno in midna uusan isu diyaarineyn dagaal nukliyeer.

โ€œDal kale ma uusan sameeyeen wixii aan sameynay si looga fogaado natiijo xun,โ€ ayuu yiri Mr Pompeo.

Hindiya iyo Pakistan midna kama hadlin arrintan uu sheegay Pompeo.

Weerarkii 2019 lagu qaaday ciidamada Hindiya waxaa sheegtay koox ku sugan Pakistan, Jaish-e-Mohammad (JeM), Hindiya ayaana wacad ku martay inay aargoosan doonto.

Weerarradii cirka ee Hindiya ay ku qaadday xadka kala qeybiya Hindiya iyo Pakistan waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay tan iyo dagaalkii sanadkii 1971. Hindiya ayaa sheegtay inay dishay tiro badan oo dagaal-yahanno ah balse Pakistan ayaa sheegashadaasku tilmaantay mid aan โ€œlaga fiirsan

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.