DAGAAL U DHAXEEYO AL SHABAAB IYO DOWLADA OO KA SOCDO DEEGAANKA CALIYAALO
Dagaal u dhaxeeya khawaarijta ayaa hadda ka socda deegaan lagu magacaabo Caliyaalo oo dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere.
Dad ka ag dhow degaankaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in muddo dhowr saacadood ah uu dagaalku socdo, waana dagaalkii labaad oo muddo 12saac gudahood ah khawaarijta ku dhex mara degaannada ku teedsan Xarardheere.
Khilaaf soo shaac baxay oo xoogaystay ayaa ka dhex qarxay kooxda khawaarijta ah ee ku dhuumaalaysanaya degaannada Galmudug.