Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Crsitaino Ronaldo Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxdiisa Cusub…
 Crsitaino Ronaldo Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxdiisa Cusub…
Cayaaraha

Crsitaino Ronaldo Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxdiisa Cusub…

by Raad Raac December 31, 2022 963 0 Comment

AA

Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Sacuudi Areebiya ee Al Nassr.

Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxda Al Nassr isagoo u saxiixay qandaraas labo sannadood ah uu sannadkii ku qaadanayo 200 milyan doolar.

Xiddiga reer Portugal oo 37 sanno jir ah ayaa si xor ah uga tagay Manchester United bishii la soo dhaafay ka dib markii la kansalay qandaraaskiisa.   Kooxda Al Nassr ayaa si rasmi ah hishiiska ugu dhawaaqday iyagoo soo bandhigay Cristiano Ronaldo oo dhinac ka haya maaliyadiisa cusub ee No.7 ee uu u xiran doono kooxda Al Nassr.

Ronaldo ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegayo Sacuudi Areebiya tan iyo markii qandaraaskiisii Manchester United la kansalay.

Waxaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Hilal laakiin wuxuu ka doortay haatan Al Nassr.

Wareysigii uu siiyay Piers Morgan ayuu Ronaldo ku xaqiijiyay inuu xagaagii iska diiday dalab uga yimid Sacuudi Areebiya oo uu isbuucii ku qaadan lahaa 3 milyan ginni.

Cristiano Ronaldo ayaa soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed ee Yurub isagoo ku guuleystay shan abaalmarin oo Ballon d’Or ah, shan Champions League, abaalmarino badan oo gooldhalin ah iyo weliba horyaalo oo ku qaaday seddex ka mid ah shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Mar sii horeysay caawa ayuu hishiiska saxiixay Ronaldo, laakiin goor dhaweyd ayaa si rasmi ah loo shaaciyay.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.