GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
CIYAARYAHAANKA KOOXDIISA U SHEEGAY IN MANCHESTER UNITED IN AY KA IIBIYAAN
Wout Weghorst ayaa ka baryay Besiktas in ay ka fasaxdo heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxda si uu ugu biiro Manchester United.
Red Devils ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Burnley kaas oo amaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kula jooga kooxda reer Turkey.
Weghorst ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda reer Turkey u dhaliyay 9 gool 19 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan.
Xiddiga Weghorst ayaa dareensan in ku biirista Man United ay u fiicantahay xirfadiisa ciyaareed.
Wargayska The Times ayaa sheegaya in uu Weghorst maamulka kooxda Besiktas ka codsaday in ay u ogolaadaan in uu ku biiro United.
Xiddiga Weghorst ayaa la sheegayaa in uu u sheegay maamulka kooxdiisa in uu doonayo in uu ku biiro Old Trafford suuqa January.
Xiddiga Wout Weghorst ayaa doonaya in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ku xoojiyo weerarkiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan