GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Ciro Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Mustafe Martin….
Murashax Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa xafiiskiisa ku qaabilay aqoonyahay Mustafe Martin oo dhawaan ay Xukuumadda Muuse Biixi ku xidhay Magaaladda Hargeysa .
Mustafe martin ayay marar qaar dhaleecayn hawada umarinjiray Xisbiga Waddani, khaasatan Cabdiraxmaan Ciro, isagoo ku dhaliili jiray nin hogaan jilicsan, oon mucaaradnimo adag kala hor iman Karin Muuse Biixi.
Mustafe Martin oo ka yimid dalka Maraykanka ayay xukuumada Muuse Xabsiga utaxaabtay markii uu dalka ku soo laabtay, maanay sheegin sababta ay xukuumadu ku xidhay, sidoo kale isna markii uu dib uheley xoriyadiisa kamuu hadal sababta loo xidhay.