Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Kooxo Abaabulan oo Hurinaya Xaaladda Laascaanood….

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka Dib Markii Denmark Lagu Gubay Kitaabka Quraanka Ah…

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka…

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ciidanka Dabdamiska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Huteel Kuyaal Hargaysa….
 Ciidanka Dabdamiska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Huteel Kuyaal Hargaysa….
Wararka

Ciidanka Dabdamiska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Dab Qabsaday Huteel Kuyaal Hargaysa….

by Raad Raac December 19, 2022 5 0 Comment

AA

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa habeenimadii xalay Abaaro 4:00Am  damiyay dab weyn oo Qabsaday Hotel hurdo  oo ku yaala Istaanka basaska agagaarka Masjid Jaamaca gaar ahaan kuwa u baxa xaafada new hargeysa ee Magaalada  Hargeysa.

Dabkan oo ahaa Dab aad uwayn ayaa ilaa hadda aan sababin khasaare nafeed, hasayeeshee wuxuu sababay dhaawacyo kala duwan waxaana ku dhaawacmay 11qof oo ahaa dadwaynihii hurday goobtaas  Ciidanka Dab-demiska oo u gurmaday goobtaas ayaa soo samata bixiyey dadwaynihii ku xanibnaa goobtaas sidoo kale Ciidanka ayaa dabkaas ku xakameeyay halkii uu ka bilaabmay, iyadoo xawaaraha fiditaanka dabkaasi uu ahaa mid aad u dheeraynaya, ayaa ciidanku Xakameeyeen  dabkaa, kana badbaadiyeen meheradihii, gaadiidkii istaanka iyo ganacsiyo kale oo goobtaa ku yaalay, maadaama oo meheradani ku taalay meheradihii aanuu saamayn ku yeelan dabkii weynaa ee ka kacay suuqa Waaheen.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, saraakiisha iyo hawlwadeenada ciidanka Dab-demiska , xarumaha, gaadiidka gaar ahaan kuwa caasimada ayaa ka hawlgalay daminta dabkaas, sidoo kale ciidanka Booliska Caasimada Hargeysa ayaa dhankooda iyaguna ka qayb qaatay hawlgalka.

Gabagabadii hawlgalkan ayaa ku dhamaaday guul iyadoo Ciidanka Dab-demisku ku guuleysteen daminta dabkaas. Sababta dabkan gubtay ayaa waxaa gacanta ku haya baadhisna ku wada Ciidanka Booliska, kuwaasi oo xaqiijinaya sababta dhabta ah ee uu dabkaasi ka dhashay.

Ugu dambayn ciidanka dabdemisku wuxuu bulshada u dirayaa inay ka waantoobaan goobaha hawlgalda ee ay ku soo buuqayaan, sidoo kale ka taxadaraan khatarta dabka, gaar ahaan goobaha ganacsiyadu ay soo dhigtaan damiyaasha yar yar ee lagu bakhtiiyo dabka.

Muwaadin Hadii aad masiibo dab la kulanto soo wac Lambarka Gurmadka Deg-dega ah ee Ciidanka Dab-demiska 990.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Kooxo Abaabulan

by Raad Raac January 28, 2023 4

Daladda Ururrada Qurbe-joogta Reer Somaliland, ayaa Baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Magaalada

Wararka

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka

by Raad Raac January 28, 2023 1

Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya,

Wararka

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah

by Raad Raac January 28, 2023 3

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa shaacisay arrin halis ku ah shacabka Somaliland oo daawooyinka la

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.