CIIDAMO UU HOGAAMINAAYO GUDOOMIYAHA GOBALKA SHABELAHA DHEXE OO LA WAREEGAY DEEGAANKA HILOWLE.
Ciidamo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Kornel Qoondhe ayaa la wareegay Degaanka Hilowle Gaab oo kamid ah Degaanada hoostaga Degmada Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo in muda xukumayeen khawaariijta Alshabaab
Waxaana Degaanka socdaal kuso gaaray Xildhibaan Xasan Abdikadir Muudey Gudoomiyihii hore ee Degmada wadajir Axmed Xasan Cadow Ganacsade Xaaji Dool iyo masโuulyiin kale
Shacabka Degaanka ayaa so dhaweyn u sameeyey madaxda so gaartay Degaanka
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa dadka Degaanka uga mahadceliyey sida Dowladnimada leh ay uso dhaweeyen
Waxa uu sheegay in Alshabaab waqtigiisa dhamaaday lagana Guuleystay isgao Ciidamada Degaanka iyo Xooga Dalka Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ka harin khawaariijta ilaa laga ciribtiro
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sido kale sheegay in Alshabaab yihiin Khawaariij shacabka Soomaaliyeed ugu so gambatay Diinteena Islaamka kuna dhibaateysay magaca Diinteena.