CIIDAMADDA DOWLADDA OO LA WAREEGAY DAGMADDA RUUN-NIRGOOD .
Ciidammada Xooga Dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa WARBAAHINTA SOMIT u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaraatiijiga ah ee Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlo la xirriro baaritaanno dhanka amniga ah.
Degmada Ruunirgod waa degmo ku taal Koonfur Bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa ayna qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta.