Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ciidamada Qaranku Kama Bixi Doonaan Sool, Laascaanoodna Waa Dhulka Somaliland…
 Ciidamada Qaranku Kama Bixi Doonaan Sool, Laascaanoodna Waa Dhulka Somaliland…
Wararka

Ciidamada Qaranku Kama Bixi Doonaan Sool, Laascaanoodna Waa Dhulka Somaliland…

by Raad Raac January 4, 2023 9 0 Comment

AA

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ku fashilantay amniga Laascaanood, dhinaca kale waxa uu xisbigu sheegay in Ciidanka Somaliland aanay Laascaanood ka bixi doonin.
May be an image of 3 people, people walking, people standing and outdoors
Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool ku fashilmay sugida amniga shacabka Laascaanood, waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan anay xukuumada kula socon.
Qorshe xumo xukuumada ah ayaa Laascaanood taala, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada” ayuu yidhi Yoonis.
Waxa uu dhinaca kale, sheegay in xisbigu xukuumada ku taageersanyahay, difaaca ciida Somaliland, waxaana uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland ah oo xukuumadooda ka doonaya in ay uga jawaabto cida dilalka gaysanaysa.
Laakiin waxaanu kula soconaa oonu ciidamada ku taageersanahay, oonu dowlada ku taageersanahay difaaca Somaliland, lakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na dilay” ayuu yidhi Yoonis.
Waxa uu sheegay in Somaliland anay Laascaanood ka bixi doonin, cida isle Somaliland way baxaysaana ay khaldantahay, dhinaca kale, madaxweynaha ayuu uga digay in uu ciidamada Laascaanood ka saaro.
Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ayuu kala jaray” ayuu yidhi Yoonis.
Xaalada Laascaanood ayaa shalay daganayd, ciidamo millateri ah ayaa wadooyinka taagan, khadka internetka magaalada ayaana hawada laga saaray.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 81

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.