Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ciidamada Eritrea Oo Ka Baxay Gobolka Tigray…
 Ciidamada Eritrea Oo Ka Baxay Gobolka Tigray…
Wararka

Ciidamada Eritrea Oo Ka Baxay Gobolka Tigray…

by Raad Raac January 1, 2023 4 0 Comment

AA

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigreega, ayaan isla markiiba ka jawaabin faah-faahinta warkan

Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka.

Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Si kastaba ha ahaatee, Eritrea, heshiiskan qayb kama aysan aheyn, waxaana joogitaanka ciidamadeeda ee xarumaha waaweyn ee gobolka Tigreega ay keeneen su’aalo la xiriira dhaqangalka heshiiskan.

Ilaa hadda ma cadda in ciidamada Eritrea ay gabi ahaanba ka baxayaan gobolka Tigray iyo in ay dib uga gurteen magaalooyinka qaar.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uusan xaqiijin karin ama beenin karin warkan, halka sarkaal Itoobiyaan ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo uu xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Axum iyo Shire.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka ciidamada Tigreega, ayaan isla markiiba ka jawaabin faah-faahinta warkan.

Saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Axum iyo Shire ayaa sheegay in ay arkeen tobannaan baabuurta militariga ah oo ay ka buuxaan askar Eritrean ah oo Khamiistii kusii jeeday magaalada xuduudka ah ee Sheraro.

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamadu ay u gacan haadinayeen.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.