MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
CHELSEA OO WALI BAADI GOOBEEYSO CIYAARYAHAAN KA TIRSAN KOOXDA BENFICA
Kooxda Chelsea ayay dhawaan soo baxeen warar sheegaya inay ku laabatay isku daygeedii saxeexa khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez.
Bilawgii bishan January ayay ahayd markii Chelsea ay awoodi waysay inay Benfica kala heshiiso qiimaha Fernandez iyadoo kooxda ree Portugal doonaysa inay wada hesho lacagta heshiiskiisa ku xidhan ee 120-ka Milyan ee euro ah.
Tababaraha Chelsea ee Graham Potter ayaa doonaya saxeexa khad dhexe waxayna dhawaan Brighton kasoo diiday dalab 55 Milyan oo pound ah oo ay Moises Caicedo ka gudbisay.
Bartilmaameedka koowaad ee Chelsea suuqan khadka dhexe ayaa ah wali Fernandez oo isagu muujiyay inuu ogol yahay ku biirista Blues oo uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhi karo.
Haatan wargeyska ugu weyn Portugal ee Record ayaa sheegaya in Chelsea ay ka gudbisay Fernandez dalab cusub oo ah 100 Milyan oo euro oo lagu daray ciyaartoy.