CHELSEA OO LACAG WAALI AH GILISAY SUUQA KALA IIBSIGA
Lacagta waalida ah ee ay Chelsea ku bixinayso suuqa xagaagan ayaa ah mid ka sarre martay saddex kamida shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub taas oo muujinaysa wacdaraha ay kooxdaasi ka dhigayso suuqa January.
Iyadoo mulkiilaha dhawaan galka ah ee Chelsea ee Todd Boehly uu kaliya saxeexa Mykhailo Mudryk ka bixiyay 88 Milyan oo pound ayaysan intaas oo kaliya gaadhin dhammaan horyaalada Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.
Kooxaha horyaalka Serie A ayaa suuqan January kaliya 7.9 Milyan pound ku bixiyay suuqa halka kooxaha horyaalka ugu sarreeya France ee Ligue 1 kaliya ay 9.3 Milyan pound suuqa galiyeen.
Dhinaciisa horyaalka Germany ee Bundesliga ayay isagana suuqa kooxihiisa oo dhan guud ahaan kaga baxday 29.7 Milyan pound taas oo isku gaynta lacagta ay saddexdaas horyaal suuqa ku bixiyeen ka dhigaysa 147 Milyan pound.
Saxeexa ugu dambeeyay ee Chelsea xalay ku dhawaaqday ayaa ah garabka weerar ee Noni Madueke oo 35 Milyan oo pound ugaga yimid PSV.
Marka laga yimaado Mudryk oo ah saxeexa ugu qaalisan ee Blues suuqan sameeyeen sidoo kale waxay la saxeexdeen xiddigaha kala ah Benoit Badiashile, Datro Fofana, Andrey Santos iyo Joao Felix oo amaah ugaga yimid Atletico Madrid.