GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Chelsea Iyo Badaladii Guuleystay Ee Pep Maxa sababay guul darada…
Man City ayaa guul muhiim ah ka gaartay Chelsea oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsanaa wareegga 19-aad ee horyaalka Ingiriiska .
Sheekada ciyaarta : qeybta hore Chelsea waxa ay City u ogalaadeen in kubadda iska haystaan halka dhankooda rogaal celis ku tiirsanaayeen waliba mararka qaar halis ayay ahaayeen balse nasiib darro Raheem iyo Pulisic ayaa dhaawac looga saaray daqiiqadihii 5-aad iyo 22-aad .
City inkastoo kubadda maamuleen hadana waxaa laga xertay daafac adag xilli qeybtaas hore De Bryune ka sheegtay in kubadda durba cagtiisa ka baxeysay .
Soo Laabashadii, Pep qaladkiisa waa gartay waxa uuna saaray Walker iyo Cancelo isaga oo soo giliyay Kyle WalkerManuel Akanji iyo Rico Lewis , waxa ayna City ku fiicnaayeen maamulka waxaana kaliya ka maqnaa goolka .
Qeybta labaad ciyaarta deg degsiimo ayay laheyd , City gool ayaa ka go`anaa xilli Chelsea-na iyana rogaal celiska maciin bidiyeen xilli badalada Pep uu sameeyay ay keeneen is badel waxa ayan City heleen gool uu baasay Grealish waxaana shabaqa dhigay Riyad daqiiqadii 63-aad.
Chelsea kubad kalsooni leh ayay ciyaarayeen xilli Hakim Ziyach dadaal dheeraad ah uu bixinayay meel wlaibana waa taagnaa waxa ayna City daqiiqadii 60-aad soo giliyeen Riyad iyo Grealish oo loo saaray Silva iyo Foden .
Chelsea si kubadda u dhaqaajiyaan una gaarsiiyaan afka hore waxa uu macalinka sameeyay badello uu ku soo giliyay Omari Hutchinson,Lewis Hall iyo Conor Gallagher iyadoo loo saaray Aubameyang, Cucurella iyo Ziyech
City dhamadkii waxa ay dagaal ugu jireen gool labaad halka daafac ahaan ay ahaayeen kuwo foojigin , Chelsea-na waxaa ku adkaa in kubadda si sax ah u soo gaarsiiyaan afka hore .
Wiilasha Pep iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxa ayna soo giliyeen Kalvin Phillips oo daqiiqadii 86-aad loo saaray Rodri xilli Chelsea daqiiqadihii geerida ahaayeen kuwo halis oo gool raadis ayay ahaayeen .
Si kastaba waxaay ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay City guusha ku gaartray , waxaana u sabab ahaa qasaaraha Chelsea iyaga oo ka liitay dhanka afka hore iyo go`aaminta