GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
CASEMIRO AYAA EEDEYN U SOO JEEDIYAY CIYAARYAHAAN KA TIRSAN MANCHESTER UNITED
Casemiro ayaa ‘aad uga carooday’ saaxiibkiis kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ka dib kaadhka digniinta loo taagay kulankii Crystal palace isla markaas ku seegi doona kulanka Arsenal ee Axada.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku bilowday kulankii Crystal Palace waxana loo taagay kaadhka digniinta ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxana uu ganaax ku seegi doonaa kulanka Axada.
Dhacdadii ka horaysay inta uuna Casemiro khaladka ku galin Zaha, xiddiga Bruno Fernandes ayaa ku fashilmay in uu ku guulaysto kubada taas oo keentay in uu isku dayo in uu isagu qabto laakiin khalad ku galay.
Xilli uu Garsooruhu soo saarayay kaadhka Digniinta Casemiro ayaa la arkay isaga oo la hadlaya Fernandes una tilmaamaya in ay ahayd in uu isagu qabto Zaha.
Casemiro ayaa haatan seegi doona kulan muhiim u ah kooxda Man United kana dhici doona garoonka Emirates xilli United doonayso in ay ku soo laabato wadada guulaha.