Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Carlo Ancelotti Oo Xiddiga Loo Yaqaano ‘Laxda Madow’ Ka Caydhinaya Real Madrid…
 Carlo Ancelotti Oo Xiddiga Loo Yaqaano ‘Laxda Madow’ Ka Caydhinaya Real Madrid…
Cayaaraha

Carlo Ancelotti Oo Xiddiga Loo Yaqaano ‘Laxda Madow’ Ka Caydhinaya Real Madrid…

by Raad Raac January 5, 2023 342 0 Comment

AA

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lumiyey kalsoonida uu ku qabo xiddig ku dhibaatoonaya qolka labbiska, kaas oo sxaafadda Ingiriisku ay sheegtay inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey xalay markii ay naadiga yar ee Cacareno guusha cidhiidhiga ah kasoo gaadheen.

Carlo Ancelotti ayaa sameeyey isbeddello badan kulankaas oo uu kusoo bilaabay Eden Hazard iyo Alvaro Odriozola oo xilli ciyaareedkan oo dhan kursiga kaydkaa ku jiray.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional, tababare Ancelotti ayaa amar ku bixiyey in kooxda uu ka tago daafa reer Spain ee Alvarao Odriozola oo 27 jir ah, kaas oo qolka labbiska Real Madrid looga yaqaano ‘Laxda madow. Odiozola oo sannadkii 2018 ay Real Madrid lacag gaadhaysa 32 milayn oo Euro kaga soo iibsatay Real Madrid ayaa waqtiyo amaah ah loogu diray kooxaha Fiorentina iyo Bayern Munich oo uu kula guuleystay Champions League.Booska difaaca midig oo ay iska beddelaan Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ayaa  uu Ancelotti go’aamiyey in aanu uga baahnayn ciyaartoy kale oo saddexaad, sidaas darteedna ay tahay in Odiozola uu iska tago.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu 10 milyan oo Euro ku iibiyo 27 jirkan oo ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowdo xilli-ciyaareedkan ay u ahayd xalay.

Tan iyo sannadkii 2018, Odriozola ayaa Real Madrid u ciyaaray 44 kulan oo kaliya, waxaanu u dhaliyey saddex gool iyo toban uu caawiye ka noqday.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.