Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. CALI COSOBLE OO SHEEGAY DADKA HAWIYE EE AL SHABAABBXASUUQEEN FARMAAJO WAX AYUU KA OGAA
 CALI COSOBLE OO SHEEGAY DADKA HAWIYE EE AL SHABAABBXASUUQEEN FARMAAJO WAX AYUU KA  OGAA
Wararka

CALI COSOBLE OO SHEEGAY DADKA HAWIYE EE AL SHABAABBXASUUQEEN FARMAAJO WAX AYUU KA OGAA

by Fitaah Diinle January 23, 2023 23 0 Comment

AA

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inay raali ka ahaayeen in Shabaab ay xasuuqdo beesha Hawiye.

 

โ€œBeesh Hawiye waxaa soo maray ku fiirsasho Shabaab, sida aad moodo in la yiri Shabaab gebigoodaba barakiciya oo dhulka ka saara ayey u dhaqmeen, waa waxyaabaha tuhunka keenaya xiriirka kooxdii hore ee Nabad & Nolol iyo Shabaab,โ€ ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

 

Waxa uu sheegay in dowladdii hore ay dhibaatooyin xooggan u geysaneysay dadka ka hadla beegsiga ay Shabaab ku hayso Hawiye, taasi oo uu tilmaamay inay tahay ku tala-gal aan meel loogu soo gaban, sida uu sheegay.

 

โ€œNimankaas waxay raali ka ahaayeen in Shabaab ay Hawiye xasuuqaan oo laayaan. Shan sanno oo lasoo dhaafay in nala laayo waa nagu fiirsadeen, ninka kugu fiirsado in lagu dilo sow raali kama ahayn,โ€ ayuu yiri.

 

Waxa uu sii raaciyay โ€œMaalmihii doorashooyinkii wixii qaraxyo Beledweyne iska daba dhacayay ee loo jixin-jixeyn oo la-lahaa doorashada ha socota, oo kuraas dad loo xirayay. Beesha Hawiyaha la yiraahdo waxa soo martay ku fiirsasho Shabaab.โ€

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dowladdii Farmaajo aysan dagaal dhab ah la galin kooxda Al-Shabaab, ayna xiligeedii sii xoogeysatay kooxda oo hadda uu dagaal xoogan kaga socdo gobolada dalka.

 

โ€œWaa la isa-soo gaari doona, subax kaliya sidii wax samada kasoo dagay la arki maayo wixii oo is wada badalay laakiin dabka (xoreynta) waa is gaaraya,โ€ ayuu yiri Cali Cosoble oo sii xoojinaya dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.