Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. CALANKA PORTUGAL OO LOO SAMEEYAY SIDII LOOGU BAHDILI LAHAA MUSLIMIINTA MAXAA KALA SOCOTAA
 CALANKA PORTUGAL  OO  LOO SAMEEYAY SIDII LOOGU  BAHDILI LAHAA MUSLIMIINTA MAXAA KALA SOCOTAA
Wararka

CALANKA PORTUGAL OO LOO SAMEEYAY SIDII LOOGU BAHDILI LAHAA MUSLIMIINTA MAXAA KALA SOCOTAA

by Fitaah Diinle December 7, 2022 26 0 Comment

AA

Bilowga qarnigii 12-aad ee miilaadiga oo ahayd xilli ay sii daciifeysay boqortooyadii Andalus ee ay muslimiinta ka dhiseen dalka Spain iyo qeybo kamid ah Portugal, ayuu boqorkii Burtaqiiska ee (Afonso I) oo kaashanaya dowladihii masiixiyiinta ahaa ee xilligaas jirey uu weerar ku soo qaaday dhulkii Andalus ee ay muslimiintu boqolaalka sano ka talinayeen.

Dagaalo badan oo is xig-xiga kaddib ayay u suurto gashay ciidamadii Burtaqiisku inay Muslimiinta ka qabsadaan toddobo dhufays sidoo kalena waxay dileen 5 amiir oo dhulkaas maamulayey oo ka tirsanaa Boqortooyadii Moors ama Ummayat.

Dhacdadaas taariikhiga ah darteed, Burtaqiisku aad ayay u wayneeyaan wayna ku faanan inay Muslimiiinta dagaal ku jebiyeen, sidaa darteed, ayay calankooda ku sawireen Toddobo dhufays oo uu midabkoodu jaalle yahay oo ay ula jeedaan Toddobadii dhufays ee ay Muslimiinta Andalus ka qabsadeen.

Sidoo kale calanka Portugal waxaa dhexda uga yaalla shan gaashaan oo buluug ah oo ay ula jeedeen shantii amiir ee Muslimka ahaa ee ay dagaalladaas ku dileen.

Waxaa layaab leh qofka Muslimka ah ee taageeraya dowladdaas cadowtooyada gaamurtay u qabta Muslimiinta oo ay calankooda qaab digasho ah weli ugu dabbaal degayaan, ma wuxuusan ogayn dhibaatooyinkii ay Burtaqiisku noo gaysteen.

Miyaadan ogayn in sanadkii 1499-kii Burtaqiisku isku dayeen inay magaalada Muqdisho qabsadaan, balse dadka reer Muqdisho oo iska difaacay darteed ay Burtaqiiska oo aad u xoogganaa xilligaas ay 50 sano goโ€™doomiyeen magaalada dad badan oo Soomaali ahna ay ku geeriyoodeen madaafiicdiii uu ku garaacay magaalada Muqdisho

Sidoo kale Burtuqiisku waa kuwii Amxaarada u jebiyey Ciidamadii Axmed Gureey ee Soomaaliyeed oo Itoobiya wada qabsan lahaa islamarkaana waxay dagaal ku qaadeen magaalooyin badan oo ku yaalla koonfurta Somalia oo iska caabiyey Cahdiyadii Dhexe.

Inkastoo gaalada oo dhammi cadaawad soo jireen ah u qabaan Muslimiinta haddana Burtaqiiska iyo Faransiisku wixii ay Muslimiinta ku dhigeen ma ahan mid la illaawi karo.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.