Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Bisha June 2023 Warbixinta Somaliland Baarlamaanka Maraykanka Ayaa Lagu Fallanqeyn Doonaa…
 Bisha June 2023 Warbixinta Somaliland Baarlamaanka Maraykanka Ayaa Lagu Fallanqeyn Doonaa…
Wararka

Bisha June 2023 Warbixinta Somaliland Baarlamaanka Maraykanka Ayaa Lagu Fallanqeyn Doonaa…

by Raad Raac December 27, 2022 5 0 Comment

AA

Safiirka Somaliland ee dalka Maraykanka Md. Bashiir Goth ayaa sheegay inuu wax badan ka bedeli doono qadiyadda Somaliland xeerka iskaashiga Maraykanka, isla markaana ay tahay markii koowaad ee magaca Somaliland uu ku soo baxo qaanuun uu saxeexay Madaxweynaha Maraykanka.

Safiirka Somaliland Bashiir oo shalay uga waramayey Sahra Ciidle Nuur, weriyaha idaacada VOA Soomali ayaa sheegay in taariikhda Somaliland 31 sannadood in markii koowaad magaca Somaliland ku soo baxo qaanuun uu saxeexay Madaxweynaha Maraykanka.

Safiir Bashiir ayaa sheegay in xeerka cusub ku amrayo Wasaarada Arrimaha Dibedda, Wasaarada Difaaca iyo hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) inay warbixinnno joogto ah u keenaan baarlamaanka Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka dhinaca amaanka, diblomaasiyada iyo horumarka.

Mar la weydiiyey maadama Madaxweynaha Maraykanku saxeexay Xeerka Difaaca, qaabka Somaliland ku soo gashay ayaa ku jawaabay,

“deddaalo balaadhan oo xukuumadu samaysay, sidii booqashii wefdigii Madaxweyne Md. Muuse ku yimi Maraykanka, kulamo muiim ahna la yeeshay goleyaasha sharcidejinta iyo xukuumada ayaa abuuray in xildhibaano labada golle ay curiyaan xeerar xoojinaya iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland.

Wakiilka Somaliland ayaa sheegay in xeerkani yahay mid labada xisbi ee Maraykanku wada taageereen, waxaana bisha June laga sugayaa Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Wasaarada Difaaca Maraykanka inay Baarlamaanka u soo gudbiyaan warbixinta Somaliland ee xoojinta xidhiidhka difaaca, diblomaasiyada iyo horumarinta.

Mar la weydiiyey Wakiil Good muhiimada ugu jirta Somaliland ayuu ku jawaabay, waa guul u soo hoyatay Somaliland wax weyna ka qaadanaysa hiigsigeeda aqoonsi caalami ah ee caalamka ay ka hesho

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.