Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Barcelona Oo Kala Shaandhaysay Kooxdeeda & LIXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Lama Taabtaanka Ah..
Cayaaraha

Barcelona Oo Kala Shaandhaysay Kooxdeeda & LIXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Lama Taabtaanka Ah..

by Raad Raac December 24, 2022 11 0 Comment

AA

Barcelona ayaa ahayd koox waxbadani ka dhex dhacayeen suuqyadan ugu dambeeyay sababo la xidhiidha xaalada dhaqaale ee adag ee ay ku jirto oo qasbaysay inay waxyaabo badan ku kacdo, markale ayay u furan yihiin qorshayaasha ah inay goโ€™aamo lama filaan ah qaataan.

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, Barca oo isku diyaarinaysa suuqyada soo socda ayaa dooratay kaliya lix xiddig oo kooxdeeda ah oo ay u aragto kuwo lama taabtaan ah oo aysan dalabaadka laga soo gudbiyo dhagaysan doonin.

Xiddigahaas ayay kamid yihiin labadii saxeex ee xagaagii ee weeraryahan Robert Lewandowski iyo daafaca dhexe ee Jules Kounde.

Lewandowski ayaa ah saxeexa ugu saamaynta batay ee ay Barca xagaagii samaysay isagoo durba goolal badan dhaliyay halka Kounde ay in badan oo maamulka kooxda kamid ahi u arkaan daafacooda ugu muhiimsan. ย  ย  Araujo oo dhawaan saxeexay heshiis kordhin ilaa 2026 ah, Araujo oo dhawaanahan dhaawacyo ku maqnaa ayaa haddii uu taam ahaansho buuxa helo ballanqaadaya waayo ciyaareed oo fiican.Waxa soo raaca laba daโ€™yar khad dhexe ee Pedri Gonzalez iyo Pablo Gavi oo kamid ahaa xiddigaha kooxda ugu fiican sanadkii ugu dambeeyay, Gavi iyo Pedri oo mustaqbalka fog ee Barca loo arko ayaa saxeexay heshiisyo ilaa 2026 ah.

Magaca ugu dambeeya ee liiska Barca ayaa ah Ansumane Fati oo qandaraas weyn saxeexay 2020 balse intii ka dambaysay dhaawacyo xidhiidh ah la darsay.

Waxa jirta durba cabsi laga qabo in dhaawacaasi galaafto mustaqbalkiisa kubaddeed waxaana intaas u dheer inuusan xilli ciyaareedkan wakhti badan ka helin tababare Xavi.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.