Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. AS Roma Oo Daqiiqadii Geerida Bar-Bar Ku Qabatay Ac Milan…
 AS Roma Oo Daqiiqadii Geerida Bar-Bar Ku Qabatay Ac Milan…
Cayaaraha

AS Roma Oo Daqiiqadii Geerida Bar-Bar Ku Qabatay Ac Milan…

by Raad Raac January 9, 2023 18 0 Comment

AA

Kooxda Ac Milan ayaa bar-baro wakhti dambe ah kala kulantay kooxda AS Roma kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana dhacay garoonka San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid ay fiicantahay kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga iyaga oo ka awood badnaa kooxda tababare Jose Mourinho.

Daqiiqadii 30-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Pierre Kalulu kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Ac Milan ahayd kooxda fiican isla markaas ka fiicnaa kooxda Jose Mourinho oo difaac ku jirtay.

Ac Milan ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tommaso Pobega kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Laakiin kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ee AS Roma ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay gool ay ciyaarta dib ugu furtay waxana u dhaliyay xiddiga Roger Ibanez.

Kooxda AS Roma ayaa daqiiqadii 90+3-aad dhalisay goolka bar-baraha ay ciyaarta ugu soo laabatay waxana u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala qaybsadeen 3-da dhibcood ee kulanka kadib kulan xiiso leh oo qaybtii dambe xiiso yeeshay.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.