Arsenal Oo Albaabka Ka Xidhinaysa Barcelona…
Gabriel Martinelli ayaa diyaar u ah in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Arsenal oo uu u saxiixo heshiis ilaa xagaaga 2027 xilli uu xiiso ka helayo kooxda Barcelona sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga da’yarka ah ayaa wacdaro dhigayay xilli ciyaareedkan waxana uu muhiim ka noqday kooxda Arsenal ee hogaaminaysa premier League.
Waxa jira warar sheegaya in ay Barcelona isha ku hayso saxiixa xiddiga kadib markii ay la dhacday qaab ciyaareedkiisa ilaa haatan.
Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa diyaar u ah in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.
Sida laga soo xigtay SPORT, Martinelli ayaa ku qancsan mashquuca kooxda Arsenal waxana uu diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis ilaa xagaaga 2027 ah.
Barcelona ayaa xidhiidh fiican la leh xiddigaha reer Brazil laakiin waxa ay u muuqataa in ay ku fashilantay in ay Martinelli ku fashilantay in ay ku qanciso mashrucooda.
Xiddiga ayaa Arsenal u dhaliyay 23 gool 104 kulan oo uu u ciyaaray kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray sanadkii 2019.