GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
ARSENAL IYO BARCELONA OO ISKU HEEYSTO HAL CIYAARYAHAAN
Arsenal ayaa ka fikireysa dalab ay ka geeyaan garabka bidix kooxda Barcelona ee Alenjandro Balde
Laacibkas 19 sano jirka ahย ayaa ku jira bandhig wacan xilli ciyaareedkaan , waxa ayna bilaabeen xariir ay la sameynayaan wakiikiisa
Wargeyska Nacional ayaa sheegaya in Arsenal ay diyaarineyso dalab gaaraya 31 milyan oo euro si ay suuqaan jiilaalka ama ugu yaraan xagaaga u helaan laacibkaas.
Arsenal ayaa haysata Tierney iyo Zinchenkoย ย kuwaasi oo ka shaqeyn kara dambeedka bidix balse Balde fursad ayay u arkaan maadaama qandaraaskiisa uu dhacayyo 18 bil kaย dib
Laacibkaas reer Spain ayaa xilli ciyaareedkan saftay 13 kulan oo horyaalka iyo Champion-ka iyadoo sedex gool uu caawiye ka ahaa