Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Arrinta Laascaanood Waxaa ku Jira Gacmo-shisheeye …
 Arrinta Laascaanood Waxaa ku Jira Gacmo-shisheeye …
Wararka

Arrinta Laascaanood Waxaa ku Jira Gacmo-shisheeye …

by Raad Raac January 3, 2023 27 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, isla markaana ah Afhayeen xukuumadda JSL ayaa sheegay in arrinka Laascaanood ay ku jiraan gacmo shisheeye, sidoo kalena waxa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku geeryooday dhibaatadii ka dhacday Lascaanod, isla markaana sheegay inuu saaxiib dhow ahaayeen xildhibaankii gacanta ka xaqdaran dishay.

Wasiir Koore oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Sool oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo Degmo ee gobolka Sool ayaa sheegay in dhibaatadii ka dambaysay dilkii Hadraawi ay muuqato in gacmo shisheeye oo shacabka iyo xukuumada Somaliland ka baxsani ku jiraan, isla markaana ah falal argagaxiso oo dadka lagu majara-habaabinayo.

Waxuu sheegay in dadka la dilay dhamaantood ummada Somaliland u shaqeynayeen oo siyaasiyiin iyo hawlwadeeno ka koobnaayeen. Dadkii hadraawi dilay iyo kuwii ka dambeeyey waa dad si dhow u wada shaqeynaya,

“Falalka argagaxiso ee ka jira waa mid dad aan u naxayn shacabka Laascaanod iyo Somaliland midna ay wadaan.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in xukuumada Somaliland masuuliyad ka saaran tahay iaalinta amaanka degmada Laascaanod iyo gobolka Sool, sidoo kale waxii gaabis masuuliyada loo soo jeediyo ay qaadanaynaa, diyaarna u yihiin, laakiin shacabka laascaanood waa inaan ka wada hadalno oo isaga garowno sidii nabadgelyada gobolka loo xassilin lahaa. Waxuu bulshada Laascaanod uugu baaqay inay is-dejiyaan, fursadna la siiyo sidii nabadgelyada looga wada shaqeyn lahaa.

Wasiir Koore ayaa sheegay in markii ciidamada laga saaray magaalada laba habeen waxii dhacay waa la ogaa in meel walba la boobay, ilaa hudheeladii hilibkii oo bisil laga qaatay, imikana nabadgelyadii ay sugan tahay ciidamadiina gacanta ku hayaan nabadgelyada magaalada Laascaanood.

Waxuu uugu baaqay dadka dibedaha ka soo hadlaya in Laascaanod rabto qofka nabadgelyadeeda iyo horumarkeeda ka shaqeynaya, laakiin kuwa dagaal uugu baaqaya yihiin kuwo dib-u-dhaceeda doonaya.

Wasiir Koore ayaa dhaliilay sida ururada mucaaradka uuga hadleen arrinka laascaanood, isla markaana ku tilmaamay inay kala garan waayeen kaambaynkii gudaha iyo jiritaanka Somaliland.

Waxuu uugu baaqya waxgaradka iyo bulshada gobolka Sool in dhibaatadu halka ay joogto lagu qabto oo aan la sii kordhin, oo laga wada hadlo sidii bulshadu hore uugu socon lahayd, waxii khaldana loo wada sixi lahaa.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.