Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. ALI JEYTE MAXUU KA DHAHAY GABARTII YAREED EE KU TILMAAMTAY IN UU YAHAY MURTAD
 ALI JEYTE MAXUU KA DHAHAY GABARTII YAREED EE KU TILMAAMTAY IN UU YAHAY MURTAD
Wararka

ALI JEYTE MAXUU KA DHAHAY GABARTII YAREED EE KU TILMAAMTAY IN UU YAHAY MURTAD

by Fitaah Diinle January 23, 2023 52 0 Comment

AA

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo ka hadlayey arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo howlgallada xoreynta ee ka socdo dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Ugu horreyn Cali Jayte Cismaan ayaa ka sheekeeyay sheeko dhex-martay isaga iyo gabar yar oo shaah ku iibineysay deegaan laga saaray Al-Shabaab, kadib booqasho uu ku tegay.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ay gabadha yar ay ka dalbadeen inay siiso shaah, balse ay wacday hooyadeed, kadibna ay weydiisay inay shaah ka iibsan karto iyo in kale, ayada oo ku sheegtay โ€˜inay Murtadiin yihiinโ€™ sida uu shaaca ka qaaday Cali Jayte Cismaan.

โ€œGabay yar oo aan is leeyahay ma 13 jirbaa qiyaasta ayaan ku iri adeer shaah naga iibi taleefoon yar inay lasoo baxday ayey hooyadeed wacday markaasee tiri hooyo Murtadiintiiba ileh shaah naga iibsee ee ma ka iibsan karaan?โ€ ayuu yiri guddoomiye Jayte.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gabadhaaas yar waxa ay sameysay ay tahay arrin lagu soo barbaariyey, maadaama ay ku nooleyd dhul ay ka talinayeen Al-Shabaab.

 

Hadda waa isla quman tahay ee ogow ayada haddii ay is leedahay qofbaa xumeyneysaa way naga yara fogaan laheyd macnaha waxa ay ku soo kortay ayaa noocaas ah,โ€ ayuu yiri.

Jayte oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, si loo xoreeyo deegaanada weli harsan.

โ€œSoomaaliya waa inay cadowgeeda u midowdo, qoray ma heysatid, gaadii ma heysatid maxaa qabanee ha is dhihin adiga diyaar soo noqo oo halagu helo,โ€ ayuu sii raaciyay.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn Al-Shabaab loogula dagaalamay, waxaana horkacayey guddoomiye Cali Jayte oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxaana Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.